JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐄𝐋𝐄𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐊𝐀 𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐃𝐄𝐆-𝐃𝐄𝐆 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐎 𝐔 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑-𝐆𝐀𝐑𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐒𝐀𝐀𝐌𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐔𝐏𝐄𝐑 𝐄𝐋 𝐍𝐈Ñ𝐎.

HomeNews 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐁𝐄𝐋𝐄𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐊𝐀 𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐃𝐄𝐆-𝐃𝐄𝐆 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐎 𝐔 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑-𝐆𝐀𝐑𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐒𝐀𝐀𝐌𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐔𝐏𝐄𝐑 𝐄𝐋 𝐍𝐈Ñ𝐎.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta furay kulan heer gobol ah oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaas oo looga hadlayay saadaasha El Niño 2026 iyo xoojinta u-diyaargarowga khataraha ka dhalan kara.

Kulanka oo socon doonna Maalmaha soo socda waxaa Maanta kaqeybgalay, Culimadda, odayaasha, Haweenka, dhalinyarada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, hay’adaha Calamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah.

Sidoo kale waxaa Maalmaha soo socda ka qeyb galaya Maamulka Gobalka, Maamulka Degmada iyo wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray xog-wadaagga saadaasha cimilada, qiimeynta khataraha la filayo iyo qaadista tallaabooyin hore oo lagu yareynayo saameynta musiibooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo kahadlay Shirka waxuu hadalkiisa diiradda ku saaray khataraha fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee laga filayo, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin hore oo lagu yareynayo saameynta musiibooyinka.

Guddoomiyahu waxuu sidoo kale Bulshada ugu baaqay in la xoojiyo nadiifinta biyo-mareennada, nidaamyada digniinta hore, diyaarinta agabka gurmadka iyo qorshayaasha daad-gureynta, si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida shacabka.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo isku-duwidda Maamulka Gobolka, Maamulka Degmada, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, si loo xaqiijiyo u-diyaargarow degdeg ah, wax-ku-ool ah iyo isku-dubarid wanaagsan oo looga hortagayo saameynta ka dhalan Karta khatarta la saadaalinayo.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.