JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Hay’adda SoDMA oo Wacyigelin ku Saabsan Fatahaadaha iyo El Niño ka Sameysay Deegaannada Ku Teedsan Beledweyne.

HomeNews Hay’adda SoDMA oo Wacyigelin ku Saabsan Fatahaadaha iyo El Niño ka Sameysay Deegaannada Ku Teedsan Beledweyne.

Masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo safar shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa wacyigelin iyo u kuurgelid ku sameeyay xaaladda deegaanada ku teedsan magaalada Beledweyne.

Masuuliyiinta ayaa booqday deegaanada Leebow iyo Shiniile, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka deegaanka iyo bulshada, iyagoo la wadaagay xog ku saabsan xaaladda saadaasha El Niño iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee looga baahan yahay bulshada si loogu diyaar garoobo saameyn kasta oo ka dhalan karta.

Guddoomiyaasha deegaanada ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda SoDMA ee ku aaddan wacyigelinta iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, waxayna masuuliyiinta la wadaageen warbixinno ku saabsan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha bulshada.

Maareeye Xasan Ciise iyo Agaasime Cabdifataax, oo ka socday Hay’adda SoDMA, ayaa bulshada gaarsiiyay wacyigelin ku saabsan khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, iyagoo ugu baaqay bulshada inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan xaaladda, isla markaana ay furaan oo nadiifiyaan biyo-mareennada iyo waddooyinka gurmadka, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha loona fududeeyo gurmadka haddii xaalad degdeg ah timaado.

Tallaabadan oo qayb ka ah qorshayaasha dowladda ee lagu yareynayo saameynta xaaladda El Niño, ayaa ku soo beegmaysa xilli Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne, si loo dardargeliyo dadaallada u diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada.

61feb799-1de9-425d-a2c9-48ba52d1cc27

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.