Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa kulan la qaatay ururrada haweenka iyo dhalinyarada Gobolka Hiiraan. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha ayaa warbixinno ku saabsan baahiyaha iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Gobolka Hiiraan ka dhageystay ururrada haweenka iyo dhalinyarada, si loo helo xog sugan oo ku saabsan baahiyaha bulshada iyo caqabadaha ka jira gobolka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dhinaciisa bulshada iyo ururradii kulanka ka qaybgalay la wadaagay xog ku saabsan saadaasha Super El Niño, xilliyada la filayo inuu saameyntiisu dhacdo iyo qorshayaasha dowladda ee loogu diyaar garoobayo, laguna yareynayo khataraha ka dhalan kara.
Ugu dambeyn, Guddoomiyahu waxuu ururrada bulshada Gobolka Hiiraan ugu baaqay inay door firfircoon ka qaataan wacyigelinta bulshada, u diyaar-garowga iyo gurmadka marka ay dhacaan musiibooyinka, iyo sidoo kale tallaabooyinka looga hortagayo khataraha, si loo helo bulsho si wanaagsan u diyaarsan, feejigan oo awood u leh inay si wadajir ah uga jawaabto xaaladaha degdegga ah.








0 Comments