JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA oo soo xiray shirkii ansixinta Siyaasadda Qaran ee Musiibooyinka.

Bogga HoreWararka Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA oo soo xiray shirkii ansixinta Siyaasadda Qaran ee Musiibooyinka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa soo xiray shir lagu ansixinayay Dib U Eegista Siyaasadda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka, taasoo laf-dhabar u ah xoojinta ka-hortagga, u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista Musiibooyinka ka dhaca dalka.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay hirgelinta siyaasad mideysan oo hagta hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha, si loo helo isku-duwid hufan loona yareeyo saameynta Musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadanku sababo.
Shirkaan Waxaa ka qeyb galay hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan, WFP, FAO, OCHA, IOM, iyo la-hawlgalayaasha bani’aadannimo iyo deeq-bixiyeyaasha.
Gebogabadii, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, is-waafajin xogeed iyo maalgelin waara si si buuxda loogu hirgeliyo Siyaasadda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.