JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA oo qaabbilay Iskuduwaha Gaarka ah ee QM ee Arrimaha Ka-hortagga Xadgudubyada Jinsiga.

Bogga HoreWararka Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA oo qaabbilay Iskuduwaha Gaarka ah ee QM ee Arrimaha Ka-hortagga Xadgudubyada Jinsiga.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda hay’adda, ayaa xarunta SoDMA ku qaabbilay Mudane Christian Saunders, Iskuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Xadgudubyada Jinsiga, oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane George conway iyo Madaxa Xafiiska OCHA ee Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta ilaalinta iyo badqabka dadka nugul ee u baahan gargaarka bani’aadamnimo, iyo adkaynta dadaallada kahortagga iyo la-dagaallanka xadgudubyada jinsiga.

Mudane Christian Saunders Iskuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Xadgudubyada Jinsiga ayaa bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee ay SoDMA ka hayso maaraynta xaaladaha bani’aadamnimo iyo ilaalinta dadka nugul, wuxuuna uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ay muujiyeen mas’uuliyiinta hay’adda.

Ugu danbeyn Guddoomiye Ku-xigeenka hay’adda SoDMA Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay in SoDMA ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta sharafka, karaamada iyo bedqabka muwaaddiniinta nugul ee ka faa’iideysta adeegyada hay’adda, isla markaana ay mudnaan gaar ah siiso hirgelinta habraacyo sugan oo lagu xaqiijinayo badbaadadooda.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.