JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐩𝐞𝐫 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐩𝐞𝐫 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Maanta kulan ah la yeeshay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahna Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi).

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo diyaar-garowga saameynta laga filayo Super El Niño, gaar ahaan fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara roobabka la saadaalinayo.

Waxaa la isku raacay in Ciidamada Qalabka Sida ay qayb muhiim ah ka noqdaan dadaallada gurmadka iyo badbaadinta bulshada, si gaar ah in Ciidanka Cirku kaalin ka qaadato gaarsiinta gurmadka, xog-ururinta iyo qiimeynta xaaladaha dhulka, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyay Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo diyaar-garowga hay’adaha dowladda, si si hufan looga hortago loogana jawaabo saameynta laga filayo Super El Niño, loona ilaaliyo badbaadada shacabka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.