JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA iyo WFP oo Qabtay Shir Qaran oo Lagu Xoojinayo Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Ilaalinta Bulshada.

Bogga HoreWararka SoDMA iyo WFP oo Qabtay Shir Qaran oo Lagu Xoojinayo Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Ilaalinta Bulshada.
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir qaran oo diiradda lagu saaray ka-jawaabista degdegga ah ee abaaraha iyo xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo WFP
Shirkan waxaa xooga lugu saaray doorka haweenka ee hoggaaminta, qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha bani’aadannimo, iyadoo la hubinayo in baahiyaha haweenka, carruurta iyo dadka nugul lagu daro go’aamada gurmadka. Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale la ansixiyay qorshayaal degdeg ah iyo hab-raacyo hawlgal (SOPs) oo quseeya dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, iyadoo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) hoggaaminaysay.
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo bah-wadaagta caalamiga ah ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka shirkan loo rogi doono tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo saameynta abaaraha, laguna xoojinayo adkaysiga iyo badbaadada bulshooyinka Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.