JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari.

HomeNews Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari iyo Duqa Magaalada Laascaanood, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari, taas oo si buuxda loo dhameystiray.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Maxamed Diiriye Shariif, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda SoDMA iyo Dowladda Shiinaha taageerada ay ka geysteen hirgelinta iyo dhismaha xaruntan cusub.

Hay’adda SoDMA, oo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa horay u dhagax-dhigtay dhismahan, waxaana maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Waqooyi Bari.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa dardaaran u jeediyay mas’uuliyiinta, isagoo ku boorriyay inay Xarunta Gurmadka Degdegga ah uga faa’iideystaan dardargelinta gurmadka bani’aadannimo, u adeegidda bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.