JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

SoDMA iyo Refugees International oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Gurmadka Bani’aadannimo iyo U-diyaargarowga El Niño.

HomeNews SoDMA iyo Refugees International oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Gurmadka Bani’aadannimo iyo U-diyaargarowga El Niño.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa qaabilay wafdi ka socda hay’adda Refugees International (RI), oo uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda, Jeremy Konyndyk, iyo Cabdullaahi Boru Halakhe, oo Refugees International u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, taageerada gargaarka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada bani’aadannimada, gaar ahaan wax ka qabashada baahiyaha bulshada ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo.

Wafdiga Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga Refugees International (RI), ayaa sheegay inay dadaal gelinayaan sidii dib loogu soo celin lahaa maalgelintii bani’aadannimo ee Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya siin jirtay, taas oo muddo hakad ku jirtay.

Ugu danbeyn, Hay’adda SoDMA waxay wafdiga u bandhigtay qorshayaasheeda ku aaddan wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo, u-diyaargarowga iyo ka-hortagga saameynta saadaasha El Niño, iyadoo xoogga la saarayo in dalka loo diyaariyo awood gudaha ah oo wax looga qaban karo xaaladaha degdegga ah, lana yareeyo ku-tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.