JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA oo ka qayb gashay Layliga Caalamiga ah ee CISE 2026 – Markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka qaybqaadato.

Bogga HoreWararka SoDMA oo ka qayb gashay Layliga Caalamiga ah ee CISE 2026 – Markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka qaybqaadato.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka qaybgalay Layliga Caalamiga ah ee 1aad ee Multilateral Comprehensive International Simulation Exercise (CISE) 2026, kaas oo si online ah u qabatay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Pakistan (NDMA).
Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa ahaa mid taariikhi ah, maadaama ay noqotay markii ugu horreysay ee uu dalku ka qeybgalo layli caalami ah oo noocan ah. Layligan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga masiibooyinka, adkaynta isku-xirnaanta hay’adaha kala duwan, iyo horumarinta hababka wada-shaqaynta ee ka-jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Layliga CISE 2026 waxaa ka qaybgalay hay’ado qaran iyo kuwo caalami ah, ciidamo amni, jaamacado, iyo hay’ado ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo ka kala socday dalal kala duwan. Ka-qaybgalka Hay’adda SoDMA ayaa fursad muhiim ah u ahaa helidda waayo-aragnimo iyo casharro wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka qaran ee maareynta masiibooyinka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda NDMA Pakistan martiqaadka iyo iskaashiga joogtada ah ee lagu xoojinayo adkaysiga iyo u-diyaargarowga dalalka, isagoo sidoo kale muujiyay sida ay Hay’adda SoDMA uga go’an tahay sii xoojinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee madalaha caalamiga ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.