Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Md. Mohamuud Moallim Abdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Gargaarka iyo ka Jawaabista Abaaraha ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari oo ka oo ay ka faa’ideysan doonaan Degmooyinka katirsan Gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer ee Waqooyi Bari.
Barnaamijka furitaanka Howlaha Gurmadka Abaaraha ayaa ka billowday Deeganka Aricaddeye ee Degmada Laascanod, iyada oo ay goob-joog ka yahiin Wasiirka Gargaarka Maareynta Musiibooyinka WBS, Wasiir Ku xigeenka Caddaaladda , Xildhihaanno, Maamulka Deegaanka Aricaddeye iyo Masuuliyin kale .
Deeqdaan gargaarka ah ayaa qeyb ka ah dadaallo ay hey’adda SoDMA ku gaareeyso deegaanno ay saameeyeen abaaraha iyo Colaadaha so laab-laabtay ee sokoreye xilli Dadka ay kaso kabanayaan xaalado adag oo Bani”aadannimo .
SoDMA ayaa gaari doonto sidoo kale degaanno badan oo katirsan Degmooyinka Taleeh , Xuddun, Laascanod, Buuhodle iyo Damale-xarrago oo ka wada tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari








0 Comments