JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Shir Qaran oo lagu heshiiyay xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee ka-jawaabista abaarta.

Bogga HoreWararka Shir Qaran oo lagu heshiiyay xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee ka-jawaabista abaarta.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladda degdegga ah ee abaaraha, kaas oo ay ka qayb qaateen hay’adaha dowladda iyo ururrada haweenka u dooda xuquuqda. Shirku wuxuu diiradda saaray saameynta abaarta ku yeelatay haweenka, carruurta, iyo bulshooyinka nugul, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ka-jawaabista bani’aadannimo ee ku saleysan xog, caddaalad, iyo baahiyaha dhabta ah ee dadka ay dhibaatadu saameysay.

𝐃𝐫. 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞, Madaxa Mashaariicda SoDMA, oo shirka soo xiray, ayaa sheegay in lagu heshiiyay Sedex qodob si Haweenku qeyb uga noqdaan Howlaha Gurmadka:

1. In dhammaan aragtiyadii ururrada haweenka la mideeyay si ay qeyb uga noqdaan qorshaha badbaadinta dadka ay abaartu saameysay.

2. In ururrada haweenka la mideeyo si ay u yeeshaan hal hoggaan oo ka qeyb qaata samatabixinta dadka Soomaaliyeed.

3. In haweenka Soomaaliyeed codkooda gaarsiiyaan meel dheer si loo hubiyo in gargaar loo fidiyo dadka nololshoodu halis ku jirto.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.