JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

SoDMA iyo Dowladda Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Mashruuc Gargaar oo Qiimihiisu Yahay 15 Milyan oo Yuan-ka Shiinaha.

HomeNews SoDMA iyo Dowladda Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Mashruuc Gargaar oo Qiimihiisu Yahay 15 Milyan oo Yuan-ka Shiinaha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan mashruuc gargaar ah oo ay Dowladda Shiinaha ku taageereyso Soomaaliya.

Mashruucan oo qiimihiisu yahay 15 milyan oo Yuan-ka Shiinaha ah ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka nugul ee ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo, iyadoo gargaarkan la gaarsiin doono deegaannada ugu baahida badan dalka, si loo xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada bulshada.

Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada lagu caawinayo dadka nugul.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.