Amina Keyf Ahmed Samatar, Agaasimaha Qoraallada iyo Xusuus-dhowrka iyo Isku-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo khudbad ka jeedisay shirka looga hadlayay abaarta soo laalaabatay ee dalka.
Agaasime Amina waxay tilmaantay in haweenku yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan ilaalinta qoyska, bulshada iyo dhaqaalaha. Waxay adkaysay in haweenku ay diyaar u yihiin jawaab celinta abaarta, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelin, abaabul iyo taageeridda dadka nugul.
Gaba-gabadii, Amina waxay ku boorrisay in hay’adaha dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah ay si dhow ula shaqeeyaan haweenka, si loo helo xal waara oo lagaga hortago saameynta abaarta. Waxay ku baaqday in haweenka Soomaaliyeed loo arko xoog mideyn kara bulshada, si loo yareeyo saameynta abaarta iyo masiibooyinka kale ee soo noqnoqda.








0 Comments