Maareeyaha Barnaamijka Qaranka ee Haweenka Qaramada Midoobay, Rukia Mohamud, ayaa sheegtay in abaaro soo noqnoqday ay mar kale si daran u saameeyeen Soomaaliya, taas oo sii kordhisay cunto-yarida, barakaca, iyo halista Nolosha qoysaska nugul.
Waxay xustay in haweenka iyo gabdhaha, oo ah ku dhowaad 80% dadka ay abaartu saameysay, ay yihiin kuwa ugu halista badan, iyagoo wajahaya khataro ay ka mid yihiin rabshadaha ku saleysan jinsiga, dakhli la’aanta, carqaladeynta adeegyada aasaasiga ah, iyo culaysyo dheeraad ah oo shaqo guri ah.
Rukia Mohamud ayaa tusaale u soo qaadatay qoys ku nool Baydhabo, halkaas oo hooyo shan carruur ah leh ay ku barakacday kadib markii ay weyday xoolihii iyo biyihii, iyadoo hadda la tacaaleysa nolol adag oo ku taal xero barakac.








0 Comments