JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA oo Ka Qayb-galay Daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Bani’aadannimo ee 2026 (HNRP).

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA oo Ka Qayb-galay Daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Bani’aadannimo ee 2026 (HNRP).
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Bani’aadannimo ee 2026 (HNRP), kaas oo ah laf-dhabarta isku-duwidda gurmadka naf-badbaadinta iyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa xusay in Qorshaha HNRP uu yahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu kala hormariyo baahiyaha bani’aadannimo, lagu badbaadiyo nolosha, laguna gaarsiiyo gargaar ku saleysan mabaadi’da bani’aadannimo dadka ugu nugul. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu u baahan yahay is-waafajin buuxda oo lala yeesho nidaamyada badbaadada bulshada, yareynta khataraha masiibooyinka iyo xoojinta adkeysiga isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa adkeeyay in Hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo leexinta gargaarka, isaga oo tilmaamay in hufnaan, isla-xisaabtan iyo gaarsiin gargaar oo cadaalad ah ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee howlaha gurmadka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hormuud u tahay jihaynta iyo isku-duwidda howlaha bani’aadannimo, halka saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay door lama-huraan ah ka qaadanayaan naqshadeynta, maalgelinta iyo hirgelinta gargaarka lagu badbaadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.