JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA Pakistan oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Maareynta Masiibooyinka.

Bogga HoreWararka Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA Pakistan oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Maareynta Masiibooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan (NDMA), halkaasoo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa General Inam Haider Malik, oo ay wehliyaan hoggaanka sare ee NDMA.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Guddoomiyaha NDMA ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee hay’adda iyo nidaamyada casriga ah ee maareynta masiibooyinka ee dalka Bakistaan.

U jeedka booqashadan ayaa ah is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyada oo la tixgelinayo waayo-aragnimada NDMA Pakistan iyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan dhismaha nidaam qaran oo lagu maareyn karo masiibooyinka dalka.

Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA Maxamuud iyo Maalik ayaa si buuxda isugu afgartay xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqayn, is-dhaafsi aqoon, iyo dhisidda nidaamyo maareyn oo adkaysi iyo waxtar rasmi ah u leh bulshooyinka labada waddan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.