Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Maxamuud (Ducaale Darwiish), ayaa Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC) ku soo bandhigay heerka abaarta ka jirta deegaannada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Mudane Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in abaartu ay haatan mareyso marxalad adag oo si weyn u saameysay nolosha dadka iyo duunyada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ka-jawabid degdeg ah, xoojinta isku-duwidda qaran, iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta bani’aadannimada.








0 Comments