JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA iyo Hay’adda Batroolka oo Ka Wada Hadlay U-Diyaargarowga iyo Ka-Jawaabista Khataraha Shidaalka.

Bogga HoreWararka SoDMA iyo Hay’adda Batroolka oo Ka Wada Hadlay U-Diyaargarowga iyo Ka-Jawaabista Khataraha Shidaalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA), Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Aadan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista degdegga ah, gaar ahaan xaaladaha ka dhasha hawlaha sahminta saliidda iyo gaaska.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay adkaynta isku-duwidda hay’adaha, maareynta khataraha, iyo horumarinta qaab-dhismeedyo jawaab-celin oo isku dhafan, si wax looga qabto saameynta ay hawlaha shidaalku ku yeelan karaan deegaanka iyo nolosha bulshada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hay’adda SoDMA door muuqda ku yeelato hawlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka, isla markaana ay qayb ka noqoto heshiisyada lala galayo shirkadaha shidaalka, si loo helo damaanad-qaad iyo magdhow haddii ay ka dhashaan musiibooyin.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.