Agaasimaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Abdisalan Abdullahi Farah, oo ka qeyb galay Shirka Jawaabista Abaaraha iyo Sugnaanta Cuntada dalka, ayaa sheegay in Galmudug ay ka jirto abaar xooggan oo si weyn u saameysay bulshada reer Galmudug.
Mudane Abdisalan ayaa xusay in abaartu ay ka dhalatay roobab la’aan soo noqnoqotay, iyadoo dhowr xilli roobaad aan laga helin qaybo ka mid ah Galmudug, halka meelaha qaarna roobku aad u yaraa. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in bulshadaasi ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo garab istaag.








0 Comments