Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Jubaland, Mudane Hussein Mo’alim Ali, oo ka hadlay Shirka Jawaabista Abaaraha iyo Sugnaanta Cuntada dalka, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ka jirta deegaanada Jubaland ay weli tahay mid aad u daran oo u baahan gargaar degdeg ah.
Mudane Hussein Mo’alim Ali ayaa xusay in shirku uu xoogga saarayo dardargelinta isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo kuwa gargaarka, si loo yareeyo saameynta abaarta loona gaarsiiyo bulshada ay dhibaatadu saameysay caawimaad degdeg ah oo wax ku ool ah.








0 Comments