Waxaa Magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah oo u dhexeeyay hayโadaha dowladda iyo hayโadaha caalamiga ah. Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda abaaraha iyo amni-darrada cuntada ee dalka, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyo dardargelinta jawaabta gurmadka abaaraha.
Ugu dambeyn, ka-qaybgalayaashu waxay isku raaceen in la mideeyo natiijooyinka iyo talooyinka ka soo baxay shirka, si loo qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo wax looga qabanayo duruufaha kadhashay Abaarta dalkeena ku dhifatay.








0 Comments