Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Baniโaadannimada, Mr. George Conway, ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.
Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Dhoobley Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad-goboleedka Jubbaland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo degmo ah.
Ujeeddada socdaalka wafdiga ayaa ahayd in si dhow loo qiimeeyo xaaladda abaareed ee ka jirta Degmada Dhoobley iyo deegaanada hoos yimaada, si loo helo sawir dhab ah oo ku saabsan saameynta abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee ka jira deegaanka.
Intii ay halkaasi joogeen, wafdigu waxa ay kormeer ugu tageen bulshada nugul ee sida baโan u saameysay abaartu, gaar ahaan dadka kusoo barakacay dhoobley kuwaas oo ay abaartu xoolahoodii dhaafisay. Sidoo kale, waxa ay kulamo la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhageystay saameynta abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee jira.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in wafdigu ay indhahooda ku arkeen xaalad adag oo ay wajahayaan dadka ku nool Dhoobley, isla markaana abaartu si weyn u saameysay nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada, isagoo xusay in loo baahan yahay dadaal degdeg ah iyo iskaashi ballaaran si wax looga qabto xaaladda jirta.








0 Comments