Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Wafdiga Guddoomiyaha Haydaโadda SoDMA waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay wasiirka gargaarka jubbaland ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, iyo madax kale.
Inta ay joogaan Jubbaland, wafdigu waxay u kuurgali doonaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada kala duwan ee Jubbaland, iyagoo qiimeyn doona saameynta abaarta iyo sidii loo dardargelin lahaa ka-jawaabista gargaarka degdegga ah.
Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA waxaa ku wehliya George Conway Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Baniโaadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hayโadaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya ka-jawaabista masiibooyinka.








0 Comments