JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kala fadhiga 1-aad Shirka Qaranee looga arinsanayo Ka-hortagga Masiibooyinka Soomaaliya-(Anticipatory Action).

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kala fadhiga 1-aad Shirka Qaranee looga arinsanayo Ka-hortagga Masiibooyinka Soomaaliya-(Anticipatory Action).

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kala fadhiga 1-aad Shirka Qaranee looga arinsanayo Ka-hortagga Masiibooyinka Soomaaliya-(Anticipatory Action.)

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxaa diiradda lagu saaraya hababka bulshadu hogaaminayaan ee falalka ka-hortagga hore Qataraha kaas oo muhiim u ah dhismaha bulsho u adkeysata masiibooyinka soo noqnoqda ee dalka

Shirkaan waxaa kaqeyb galey mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda dowladda, iyo sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah sida WFP, IFRC, START Network, FAO, DRC iyo KOICA, Iyo hay’adda Maxaliga ah kuwaas oo door muuqda ku leh taageerada iyo dhismaha nidaamyada ka-hortagga masiibooyinka.

Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Masiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sh. Maxamed, ayaa shirka ku tilmaamay fursad lagu dhisayo qorshe mideysan oo qaran oo lagu yareynayo khatarta masiibooyinka, laguna xoojinayo dadaallada iskudhafka ah ee hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo furay Shirka ayaa xusay in madashaan ay qayb weyn ku leedahay dhismaha bulsho adkaysi u leh masiibooyinka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn ballaaran oo u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud waxuu ka-qeybgalayaasha ku boorriyay inay shirka muddada saddexda maalmood ah ee uu socdo ay la yimaadaan aragtiyo wax-ku-ool ah, isla markaana ay soo saaraan qorshe qaran oo mideynaya dadaallada ka-hortagga masiibooyinka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.