Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho si rasmi ah ugu soo xiray tababar shan maalmood socday oo lagu diyaarinayay Macallimiinta (ToT) ee Qorshaha Waxqabadka Jinsiga ee Qaab-dhismeedka Sendai Framework.
Tababarkan oo lagu xoojinayay fahamka arrimaha jinsiga, sinnaanta iyo awood-siinta haweenka ee maareynta masiibooyinka, waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday SoDMA, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo wasaaradaha maareynta masiibooyinka ee dowlad-goboleedyada.
Intii uu socday tababarku, ka qeybgalayaasha waxaa loo jeediyay casharro ku saabsan doorka jinsiga ee ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka, ka-qaybgalka bulshada ee Sendai Framework, iyo hababka casriga ah ee diyaar-garowga iyadoo la tixgelinayo baahiyaha haweenka iyo dadka nugul.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa xusay muhiimadda uu tababarkan u leeyahay dhismaha awoodda hay’adaha, wuxuuna u mahadceliyay ka qeybgalayaasha dadaalkooda. Sidoo kale, wuxuu carabka ku adkeeyay in barnaamijkan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo maareynta masiibooyinka oo ku saleysan sinnaanta iyo ka mid noqoshaha bulshada.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu ka qeybgalayaasha guddoonsiiyay shahaadooyin, isagoo u rajeeyay inay aqoonta ay heleen ka dhex faa’iideeyaan hay’adaha iyo bulshada ay matalaan.
0 Comments