JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka soomaaliyeed ee (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT).

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka soomaaliyeed ee (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT).

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta oo guud ahaan si ba’an u saameysay dhammaan gobollada Soomaaliya, iyo sida loogu baahan yahay bixinta jawaab mideysan oo deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre muujiyeen walaac xooggan oo abaarta ku aaddan, islamarkaana ay fareen hay’adaha dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA oo ah hay’adda rasmiga ah ee isku-dubbaridka arrimaha gargaarka iyo ka jawaabista musiibooyinka u qaabilsan dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan la-hawlgalayaasha inay la jaanqaadaan habraacyada iyo nidaamka cusub ee SoDMA hoggaaminayso, si loo helo hannaan mideysan oo wax ku ool ah. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta deeq-bixiyeyaasha ay si weyn u curyaamisay dadaallada wax-ka-qabashada abaarta.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa sheegay in loo baahan yahay, qorsheyn degdeg ah oo loo dhan yahay, dhaqaale la saadaalin karo gudaha iyo dibadda iyo dib-u-habeynta barnaamijyada taageerada lagu gaarsiinayo degmooyinka ugu nugul dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.