JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Md. Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Md. Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Md. Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer qaran ah oo looga tashanayay dhismaha Istaraatijiyadda Qaranka ee Anticipatory Action, taas oo hagaysa diyaar-garowga iyo jawaab celinta masiibooyinka dalka. Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa laga soo saaray qodobo wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya awoodda dalka ee maareynta masiibooyinka.

Daahfurka Istaraatijiyaddan Qaranka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta aafooyinka iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah oo badbaadin kara nolosha iyo hantida bulshada.

Agaasime Khadar, oo ka hadlay xiritaanka kulanka, ayaa sheegay in khariidaddu ay tahay natiijo ka dhalatay wadatashi qaran, dood cilmiyeedyo qoto dheer, iyo ansixin farsamo oo mideeyey dhammaan bah-wadaagta.
“Maanta waa maalintii aan sugaynay Khariidaddu waxay ka tarjumaysaa sanado shaqo adag ah, wadatashi baaxad leh, iyo dib u eegis farsamo oo joogto ah. Dowladda si dhow ayay ula socotay hannaanka, laakiin waxaa tihiin idinka — bah-wadaagteenna — kuwa suurta geliyay guushan.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday DRC, FAO, WFP, iyo IGAD ayaa jeediyay hadallo hambalyo ah, iyagoo bogaadiyay ruuxa iskaashiga ah isla markaana xaqiijiyay taageeradooda sii socota ee lagu xoojinayo hawlgelinta hore ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka, isaga oo sheegay in khariidaddan ay tahay natiijada shaqo farsamo oo qoto dheer, wadatashi qaran, iyo iskaashi xooggan oo dhexmaray hay’adaha dowladda, IGAD, iyo bah-wadaagta. Khariidadda waxaa lagu taageeray mashruuca SCALAA oo ay maalgelisay DG ECHO, waxaana fulinaya WFP, FAO, IFRC, DRC, iyo ICPAC. Geeddi-socodkan wuxuu muujinayaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ku aaddan diyaar-garow la saadaalin karo, la isku waafaqsan yahay, kana fog xasaradaha.
Bilihii lasoo dhaafay, waxaa la qabtay wadatashiyo heer qaran ah, falanqeyn farsamo, iyo kulamo dib-u-eegis ah oo ay ka qayb galeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), wasaaradaha kala duwan ee dowladda, iyo khubaro ka kala socday hay’adaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarinta. Kulamadan waxay xaqiijiyeen in khariidaddu ku saleysan tahay caddeyn, ay la jaanqaadaysay xaaladda dalka, isla markaana ay si buuxda ugu habboon tahay baahiyaha jira.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.