Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo ka dhacay caasimadda Dowlad-Goboleedka Hirshabelle.
Bogga HoreWararka Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo ka dhacay caasimadda Dowlad-Goboleedka Hirshabelle.
Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo ka dhacay caasimadda Dowlad-Goboleedka Hirshabelle.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax sare oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada dalka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kuwaas oo si qoto dheer uga dooday xaaladda bini’aadannimo ee dalka.
Shirkan, inta uu socday waxaa si gaar ah diiradda loo saaray saameynta abaarta iyo cunno yarida, taas oo hadda halis ku ah in ka badan 4.4 milyan oo qof oo Soomaaliyeed. Meelaha abaartu ka jirto waxaa kamid ah Puntland, Waqooyi Bari, Somaliland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed gaar ahaan Shabeellaha Hoose iyo gobolka Gedo ee Jubbaland.
Ugu dambeyntii, madasha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xaalad degdeg ah oo abaareed, iyadoo lagu baaqay in si degdeg ah loo mideeyo dadaallada gurmadka iyo qorsheyaasha wax ka qabashada saameynta abaaraha ee guud ahaan dalka.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.
123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.






0 Comments