JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Fariin Digniin Fatahaad ah oo ka timid Hay’adda SODMA

Bogga HoreWararka Fariin Digniin Fatahaad ah oo ka timid Hay’adda SODMA

October 6, 2025

Drr

 


Ujeeddo: Digniin ku saabsan halis fatahaad oo ka imaan karta roobab mahiigaan ah

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) waxay si rasmi ah u ogeysiinaysaa dhammaan bulshada ku nool magaalada Baladweyn in ay jirto halis fatahaad oo laga cabsi qabo in ay saameyso magaalada iyo nawaaxigeeda.

Warbixinaha saadaasha cimilada iyo xogaha laga helay dalka Itoobiya ayaa muujinaya in roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan dhulka sare ee webiga Shabeelle, taasoo keeni karta in biyo xoog leh ay ku soo fatahaan magaalada Baladweyn maalmaha soo socda.

Talooyin Muhiim ah:

  • Bulshada waxaa lagu boorinayaa in ay ka fogaadaan hareeraha webiga Shabeelle.
  • Dadka ku nool meelaha hoose ee fatahaadda u nugul waa in ay si degdeg ah u diyaariyaan meelo badbaado leh.
  • La soco wararka rasmiga ah ee ka soo baxa hay’adaha dowladda iyo warbaahinta maxalliga ah.
  • Ka qeyb qaado wacyigelinta bulshada si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadda.

SODMA waxay la socon doontaa xaaladda si joogto ah, waxayna bulshada la wadaagi doontaa warbixinno dheeraad ah marka ay soo baxaan.

 

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.