Ujeeddo: Digniin ku saabsan halis fatahaad oo ka imaan karta roobab mahiigaan ah
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) waxay si rasmi ah u ogeysiinaysaa dhammaan bulshada ku nool magaalada Baladweyn in ay jirto halis fatahaad oo laga cabsi qabo in ay saameyso magaalada iyo nawaaxigeeda.
Warbixinaha saadaasha cimilada iyo xogaha laga helay dalka Itoobiya ayaa muujinaya in roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan dhulka sare ee webiga Shabeelle, taasoo keeni karta in biyo xoog leh ay ku soo fatahaan magaalada Baladweyn maalmaha soo socda.
Talooyin Muhiim ah:
- Bulshada waxaa lagu boorinayaa in ay ka fogaadaan hareeraha webiga Shabeelle.
- Dadka ku nool meelaha hoose ee fatahaadda u nugul waa in ay si degdeg ah u diyaariyaan meelo badbaado leh.
- La soco wararka rasmiga ah ee ka soo baxa hay’adaha dowladda iyo warbaahinta maxalliga ah.
- Ka qeyb qaado wacyigelinta bulshada si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadda.
SODMA waxay la socon doontaa xaaladda si joogto ah, waxayna bulshada la wadaagi doontaa warbixinno dheeraad ah marka ay soo baxaan.







0 Comments