JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray bixinta digniinaha halista musiibooyinka iyo ka hortagga halis wadareedka.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha ku shaqada leh maareynta musiibooyinka iyo horumarinta magaalooyinka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirrada howlaha guud ee dowlad-goboleedyada, xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, iyo maayarada magaalooyinka caasimadaha dowlad-goboleedyada ee uu ka shaqeeyo mashruuca NAGAAD, oo ah mashruuc lagu horumarinayo magaalooyinka, iyo mashruuca SCRP oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd digniino horudhac ah oo ka hortag ah musiibooyinka dabiiciga ah, ka hor inta aanay dhicin. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adeegsankaro teknoolojiyadda casriga ah ee fududeysa helitaanka iyo gudbinta macluumaadka la xiriira halis wadareedyada.
Intii uu socday shirka, Hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay hanaanka ay u maareyso helitaanka iyo gudbinta xogta digniinaha musiibooyinka, iyadoo la xoojiyay muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah si loo yareeyo halista musiibooyinka.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in hay’addu ay mar walba ka go’an tahay inay hubiso in bulshada Soomaaliyeed ay hesho digniino horudhac ah, si loo badbaadiyo naf iyo maal ka hor inta aan musiibooyinka dhicin.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.