Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ku qabatay shir laba maalmood socday oo ku saabsan Maalgelinta Halista Aafooyinka Cimilada ee Caalamiga ah (CDRF Project).
Muqdisho, 28 Oktoobar 2025
Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay madasha wada-tashiga ee Maalgelinta Halista Aafooyinka Cimilada ee Caalamiga ah (CDRF Project).
Shirkan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa ka-qaybgalka jinsiga, sinnaanta iyo awood-siinta haweenka ee mashruuca CDRF, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada maaliyadeed ee looga hortago ama looga jawaabo halista aafooyinka cimilada ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.
Madashan ayaa fursad u noqotay in lagu falanqeeyo doorka haweenka iyo dadka nugul ee ka qaybqaadashada qorsheynta iyo hirgelinta mashruuca, iyadoo lagu soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo muhiim ah oo lagu xoojinayo caddaaladda iyo hufnaanta jinsiga ee dhammaan heerarka mashruuca.
Shirka waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka socday Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada (MoECC), kuwaas oo si wadajir ah uga dooday sida loo mideyn karo dadaallada lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada.
Madashan waxaa si rasmi ah u soo qaban-qaabisay Hay’adda SoDMA, iyadoo maalgelinteeduna bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank Group). Shirku waxa uu qeyb ka yahay barnaamij ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga, u adkeysiga aafooyinka, iyo horumarinta dhaqaalaha cagaaran ee Soomaaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha – SoDMA

Tel: +252 615194343

Email: Communications@sodma.gov.so
0 Comments