JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€.

Bogga HoreWararka ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€.
๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐›๐ข๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€.
Guddiga howlaha Xasilinta Qaran ayaa maanta yeeshay shirkii bilaha ahaa, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho. Shirka waxaa kasoo qayb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, iyo hayโ€™adaha qeybta ka ah guddiga
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta barnaamijyada xasilinta, dib-u-dhiska adeegyada bulshada, iyo isku xirka hayโ€™adaha dowliga ah ee ka shaqeeya arrimaha amniga, horumarinta iyo gurmadka baniโ€™aadamnimo.
Intii uu shirka socday, cutubyada CIMIC ee ciidamada qalabka sida ayaa soo bandhigay warbixin muuqaal iyo qoraal ah oo ku saabsan howlaha ay ka fuliyeen degmada Awdheegle, oo ay ku jirto dhisidda adeegyo bulshada iyo xoojinta amniga deegaankaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo bandhigtay waxqabadyo ay ku taageeraysay hawlaha xasilinta iyo nabad-dhisidda, iyadoo soo jeedisay muuqaallo muujinaya guulaha la gaaray ee dhanka amniga iyo iskaashiga bulshada.
Dhanka kale Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa soo bandhigtay in hayโ€™addu ay muddadii la soo dhaafay gaarsiisay gobollo kala duwan gargaar isugu jira raashin iyo daawooyin oo miisaankoodu dhan yahay in ka badan 93,000 tan, taas oo qayb ka ah howlaha gurmadka iyo taageerada dadka ay musiibooyinka saameeyeen taas oo kaqeyb ah barnaamijka xasilinta dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shirka ku baaqday in la qabto shir qaran oo ballaaran, kaas oo ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan wasiirrada xukuumadda, iyadoo uu Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenku hoggaamin doono, si diiradda loo saaro taageerada maaliyadeed iyo xoojinta iskaashiga hayโ€™adaha.
Ugu dambeyntii, shirka waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda SoDMA cabdirashiid maxamuud xasan , kaas oo ku ammaanay dhammaan hayโ€™adaha iyo wasaaradaha dowliga ah wada-shaqeyntooda iyo doorkooda muhiimka ah ee xasilinta iyo gurmadka baniโ€™aadamnimo, isagoo ku adkeeyay in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, horumar iyo xasillooni waarta.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha โ€“ SoDMA
๐Ÿ“ž Tel: โ€ช+252 615194343
๐Ÿ“ง Email: Communications@sodma.gov.so

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.