Muqdisho-Meertada 2-aad ee shirweynaha u adkeysiga aafooyinka Soomaaliya oo ay si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, hal-ku-dhiggiisu yahay sanadkaan “Dhisidda u adkaysiga musiibooyinka iyada oo loo marayo habab bulshadu gundhig u tahay”, ayaa galay maalintiisa labaad.
Shirkaan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo xarumaha tacliinta, si xal waara loogu helo musiibooyinka sida joogtada ah u saameeya bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigayaa daraasado wax-ku-ool ah oo ay jeedinayaan khubarro iyo masuuliyiin aqoon durugsan u leh mowduuca.
#uadkeysigaaafooyinka #shirweynahaqaran #sodma #Somalia #DisasterResilience #emergencyresponse.
0 Comments