JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA iyo Wasaaradda Beeraha oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP)

Bogga HoreWararka SoDMA iyo Wasaaradda Beeraha oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii barnaamijka JOSP uu door muhiim ah uga qaadan lahaa xakamaynta fatahaadaha, horumarinta waraabka, iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka beeraha, si bulshada deegaanka ay uga faa’iidaystaan kheyraadkooda dabiiciga ah iyo fursadaha kobaca dhaqaale ee deegaanka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhiirrigelinta iyo horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyagoo isla meel dhigay qorshayaal lagu taageerayo wax-soo-saarka gudaha, lana kobcinayo awoodda beeraleyda si ay u helaan qalab casri ah, tababarro iyo suuqyo waara oo ay ku iibgeeyaan dalagyadooda.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay in iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha nolosha, gaar ahaan kuwa la xiriira waraabka iyo beeraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in barnaamijka JOSP uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo madax-bannaanida cunnada iyo ilaalinta deegaanka, isagoo xusay in Wasaaraddu ay si buuxda uga go’an tahay fulinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.