Muqdisho, 6-da October 2025 – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay kulanka Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka, iyadoo la xoojinayo doorka iyo ka-qaybgalka haweenka. Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo UN Women.
Kulankaan waxuu qayb kayahay dadaallada lagu xaqiijinayo in jawaabaha iyo qorshayaasha la xiriira musiibooyinka dalka ay noqdaan kuwo ay haweenku si buuxda uga qayb qaataan, si loo hubiyo ka mid noqoshadooda go’aamada iyo howlaha la xiriira gurmadka iyo isu-duwidda xaaladaha degdegga ah.
Shirka waxaa furtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA, Marwo Luul Axmed Galwo, oo sheegtay in haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin hawlaha gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka, iyadoo xustay in tababarradan iyo kulamadan ay muhiim u yihiin dhisidda awoodda haweenka ee hoggaanka iyo maamulka masiibooyinka dalka.
Ugu dambeyn, Halima Yusuf Hassan, Agaasimaha Waaxda Gender-ka ee SoDMA, ayaa sheegtay in kulankan uu yahay mid lagu hormarinayo fahamka iyo dhaqangelinta siyaasad cad oo lagu xoojinayo doorka haweenka, isla markaana kor loogu qaadayo awooddooda hoggaamineed ee goobaha shaqada iyo bulshada.







0 Comments