JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Xiritaanka Tawabarka Saraakiisha SoDMA ee Beijing, Shiinaha

Bogga HoreWararka Xiritaanka Tawabarka Saraakiisha SoDMA ee Beijing, Shiinaha

Saraakiisha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ee aqoon-kororsiga ugu joogay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa maanta usoo gabagabooway tababarkoodii ku saabsanaa ka hortagga iyo yaraynta musiibooyinka Soomaaliya.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Shiinaha, halka ay fulinteeda lahayd Red Cross Society of China.

Xafladda xiritaanka oo lagu qabtay xarunta hay’adda Red Cross Society of China ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno sarsare oo ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, oo ay horkacaysay Danjire Hodan Osman Abdi, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha. Waxaa sidoo kale goobta qudbado ka jeediyay Mr. Song Yi, Deputy Director General of External Liaison Department of Red Cross Society of China iyo Mr. Yin Zheng, Deputy Director of Chinese Red Cross National Training Center Mas’uuliyiintaasi waxay kula dardaarmeen saraakiisha SoDMA inay dalka dib ugu celiyaan aqoontii iyo xirfadaha cusub ee ay ka faa’iideen tababarka.

Mr. Song Yi ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada hay’adood, wuxuuna bogaadiyay dadaalka saraakiisha SoDMA. Waxuuna intaasi ku daray in tababarro hor leh oo aqoon-kororsi ah la sii wadi doono mustaqbalka.

Ugu dambeyntii, xafladda waxaa si rasmi ah u soo xirtay Danjire Hodan Osman Abdi, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha. Waxay uga mahadcelisay People’s Republic of China taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxay hambalyo iyo mahadnaq aan lasoo koobi karin dusha kaga tuurtay Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha iyo Hay’adda Red Cross Society of China.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.