JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

MASHRUUC AY KA FAAIDEYSAN DOONAAN HAF MILLION BARAKACAYAAL AH OO XARUNTA SoDMA LAGA DAAHFURAY

Bogga HoreWararka MASHRUUC AY KA FAAIDEYSAN DOONAAN HAF MILLION BARAKACAYAAL AH OO XARUNTA SoDMA LAGA DAAHFURAY

September 22, 2025

Muqdisho – Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta lagu daah-furay mashruuc ballaaran oo lagu qeybinayo 700 tan oo timir ah, taas oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Daah-furka mashruuca waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.
Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Mawluud, oo matalayay Boqor Salmaan iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Boqortooyada. Safiirka ayaa tilmaamay in mashruucan uu yahay “mid muhiim u ah bulshada nugul”, isaga oo rajo ka muujiyay in uu noqdo mid miro dhal ah oo kor u qaada iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga.
Dhankiisa, Madaxa Mu’asasada almuhsin foundation isak abdulkadir mohamed, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda mashruucan iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi, ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan nus milyan oo qof, taas oo muujinaysa baaxadda iyo saameynta weyn ee uu leeyahay.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.