𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay qaybta ay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee Qaranka (SoDMA) ku soo bandhigtay waxqabadkeeda.
Guddoomiyaha Hey’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha howlaha muhiimka ah ee ay SODMA qabatay tan iyo markii la aasaasay.
Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyay sida ay Hey’addu uga jawaabtay xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo sheegay in gurmad degdeg ah lala gaaray kumanaan qoys oo Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay mashaariicda lagu hormarinayo kaabayaasha bini’aadannimo.
Waxyaabaha uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa dhismaha bakhaarro casri ah oo lagu kaydiyo gargaarka degdegga ah, si loo hubiyo in masiibooyinka laga gaadho meel kasta oo ay ka dhacaan.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si taxaddar leh u dhagaystay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay qaddarin iyo taageero ay u hayaan shaqada adag ee ay Hey’addu hayso.
0 Comments