𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓).
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa soo bandhigtay waxqabadkeeda sanadihii 2022 ilaa 2025, Waxaana marba marka ka danbeysa goobta soo gaaray wasiiradii ugu badanaa oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u kuurgalay waxqabadka hay’adda, gaar ahaan ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka barakacayaasha ah iyo kuwa ay saameeyeen abaaraha.
Gudoomiyaha hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa wasiirada ku soo dhaweeyay buudhka hay’adda, wuxuuna si faahfaahsan ugu sharaxay howlaha ay qabato SoDMA, wuxuuna gudoonsiiyay buuga waxqabadka hay’adda ee sanadihii 2022 ilaa 2025.
Wasiiro ka mid ah kuwii booqday buudhka ayaa bogaadiyay shaqada ay hay’adda SoDMA u hayso shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo gar-gaarka loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee xilliyada adag.
Waa muhiim in la xuso in SoDMA ay tahay hay’adda ugu muhiimsan ee ka jawaabta musiibooyinka dalka, waxaana inta badan shaqadeeda ay ku saleysan tahay gurmadka degdega ah iyo la socodka xaaladaha dadka barakacayaasha ah.
0 Comments