Muqdisho, Soomaaliya — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa si faahfaahsan u soo bandhigtay xaaladaha bani’aadannimo ee cakiran ee ka jira dalka, kuwaas oo isugu jira abaar daran oo ka dhacday gobolka Awdal iyo barakac ballaaran oo ay sababeen iska horimaadyo hubeysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Gedo.
Xogta ay soo saartay SoDMA 31-ka Luulyo, 2025, waxay muujinaysaa baahi degdeg ah oo loo qabo jawaab-celin ballaaran oo heer qaran iyo mid caalami ah.
Abaarta Awdal: Dhibaatada ugu Daran ee Sanadihii la Soo Dhaafay
Gobolka Awdal ayaa wajahaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa taariikhda dhow, waxaana saameyn balaaran ku yeeshay roobabkii baaqday iyo heerkulka sareeya oo gaaray in ka badan 40ºC. Tani waxay keentay in beerihii iyo daaqii ay yaraadaan, taas oo sababtay dhimasho xoolo aad u tiro badan iyo qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray.
Warbixinta SoDMA waxay xustay in ka badan 600,000 oo qof ay ku nool yihiin aagagga ay abaartu saameysay, iyadoo 204,000 oo ka mid ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Degmada Borama ayaa lagu tilmaamay inay tahay tan ugu daran, iyadoo 96% ay si aad ah u saameysay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa si degdeg ah uga jawaabtay xaaladdan iyadoo amartay in wax laga qabto dhibaatada ka jirta gobolka.
SoDMA waxay sidoo kale si dhow ula shaqeynaysaa hay’adaha bani’aadannimada iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si loo gaarsiiyo gargaar ay ka mid yihiin raashin, biyo, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo muhiim ah.
Barakac Baahsan oo ka Dhashay Colaadaha Hiiraan iyo Gedo
Dhanka kale, dagaallo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Gedo, oo ay ka dambeysay Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, ayaa sababay barakac baaxad weyn. Warbixinta SoDMA ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladan ilaa bilowgii bishii Juun, 2025.
Gobolka Hiiraan, dagaalladii ka dhacay degmada Maxaas waxay sababeen barakac ku dhawaad 21,000 oo qof. Intaa waxaa dheer, 62,000 oo qof ayaa ka soo cararay degmooyinka Moqokori, Buulo Burte iyo Jalaalaqsi, iyadoo hakad uu ku yimid adeegyadii muhiimka ahaa ee caafimaadka.
Gobolka Gedo, dagaalladii ka dhacay Beled Xaawo waxay barakiciyeen in ka badan 36,000 oo qof, kuwaas oo 10,000 ka mid ah ay u qaxeen dalka Kenya.
Waxaa jira xaalado cunto yari oo halis ah, iyadoo 24,000 oo qof ay ku jiraan xaaladaha ugu daran ee loo baahan yahay in si degdeg ah loo caawiyo.
Baaq Loo Jeediyay Bulshada Caalamka
Iyadoo lagu jiro xaaladahan bani’aadannimo ee cakiran, SoDMA iyo Dowladda Soomaaliya waxay si wadajir ah ugu baaqeen dhammaan hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay bixiyaan jawaab-celin degdeg ah. Ujeedadu waa in la badbaadiyo nolosha bulshada nugul oo la taageero, gaar ahaan kuwa ay abaaruhu iyo colaaduhu saameeyeen.
Warbixintan ayaa ah mid xambaarsan farriin muhiim ah oo ah in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan xaalad adag oo u baahan gurmad degdeg ah, waxaana la filayaa in bulshada caalamka ay ka jawaabto baaqan si loo yareeyo dhibaatada bani’aadannimo ee sii kordheysa.








0 Comments