Muqdisho, Soomaaliya — Tallaabo muhiim ah oo muujinaysa iskaashiga istiraatiijiga ah iyo kan bini’aadannimo ee qotoda dheer ee labada dhinac, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan heer sare ah la qaatay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA ee Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada hay’adood si looga jawaabo xaaladaha bani’aadamnimo ee aadka u adag ee dalka ka jira.
Labada dhinac ayaa intii kulanku socday ka wada-hadlay sidii loo dardargelin lahaa jawaab-celinta bani’aadamnimo, loo horumarin lahaa xalal waara oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah, isla markaana loo xoojin lahaa dadaallada gargaarka ee lagu wajahayo saameynta abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimilada. Waxay sidoo kale isla garteen in la dedajiyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee loo fidiyo dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.
Hadalkeeda, Marwo Ugochi Daniels waxay si weyn u bogaadisay dadaallada isku-dubbaridka ah ee ay waddo SoDMA, iyada oo xustay in jawaabaheeda degdegga ah ay door weyn ka qaateen taageeridda dadka xaaladaha adag ku jira. Waxay ballan qaadday in IOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso SoDMA, isla markaana ay garab istaagi doonto hawlaha hal-abuurka iyo horumarinta xalalka waara ee loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshooyinka deegaanka.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa dhankiisa u mahadceliyey Marwo Daniels iyo guud ahaan IOM, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga labada hay’adood.
“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wanaagsan uga jawaabno musiibooyinka isdaba-joogga ah ee dalka ka dhaca. Waxaan rumeysanahay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah helitaanka xalal waara iyo qorshe deegaan ku saleysan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.
Taariikhda Iskaashiga Qotoda Dheer ee SoDMA iyo IOM
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) waxay xulufaysi istiraatiji ah la leedahay Dowladda Soomaaliya dhinacyada maareynta dhibaatooyinka bani’aadamnimo iyo wax ka qabashada barakaca. Iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo IOM wuxuu ku dhisan yahay isku-dubbarid iyo is-afgarad adag, oo ujeedadiisu tahay in la mideeyo dadaallada loogana jawaabo si wax-ku-ool ah oo hal-abuur leh dadka ay musiibooyinka dabiiciga ah iyo dhibaatooyinka saameeyeen.
Wadashaqayntan qotoda dheer waxay si cad uga muuqatay mashaariic iyo barnaamijyo wadajir ah oo diiradda saaray xoojinta awoodaha jawaab-celinta ee bulshada, bixinta gargaarka degdegga ah, iyo hirgelinta mashaariicda soo kabashada degdegga ah.
Labada hay’adood waxay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa xalal waara oo yareeya khataraha musiibooyinka iyo dhisidda adkeysiga bulshada, iyada oo la xoojinayo mashaariicda dayactirka kaabayaasha aasaasiga ah, bixinta hoy ammaan ah, iyo taageerada nafsiyeed iyo bulsho ee loogu talagalay dadka ugu nugul.
Tani waxay dammaanad qaadaysaa jawaab-celin dhammeystiran oo daboolaysa baahiyaha dadka xaaladaha ugu adag.








0 Comments