Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si diirran u soo dhaweeyay heshiis iskaashi oo muhiim ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen shirkadda Hormuud Telecom iyo hay’adda Save the Children. Heshiiskan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada muhiimka ah ee ay carruurta Soomaaliyeed ka heli lahaayeen dhanka isgaarsiinta iyo bini’aadantinimada.
Guddoomiyaha SoDMA, oo ka hadlay munaasabadda saxiixa, ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya muhiimadda iskaashiga dhex mara dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo hay’adaha samafalka si loo gaaro horumar bulsho oo waara.
“Waxaan si buuxda u taageersanahay heshiiskan. Waa tallaabo muhiim ah oo muujineysa sida awoodda tignoolajiyada loo adeegsan karo si nolosha dadka loo badbaadiyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
“Carruurta Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin fursado ay ku helaan waxbarasho, wacyigelin degdeg ah, iyo taageero bini’aadantinimo, heshiiskan ayaana si toos ah uga jawaabaya baahiyahaas.” ayuu ku daray Guddoomiyaha.
Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle wuxuu si gaar ah u sheegay in heshiiskan uu waafaqsan yahay himilooyinka SoDMA ee ah in la abuuro nidaam casri ah oo digniino degdeg ah loogu diro bulshada si ay uga gaashaantaan masiibooyinka iyo khataraha kala duwan. Wuxuu sidoo kale bogaadiyey in heshiisku diiradda saarayo shaqo abuurka dhalinyarada, taasoo laf-dhabar u ah mustaqbalka dalka.
SoDMA waxay mar walba ku dadaaleysaa in ay isku xirto dhammaan dhinacyada ku shaqada leh maareynta masiibooyinka si loo abuuro bulsho u diyaarsan, wacyigelinna leh. Heshiiskan oo ay ka goobjoobeen mas’uuliyiin dowladeed oo sare, ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay ku xaqiijiso horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.








0 Comments