JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa intii uu Socday shir-weynaha heerka caalami ah ee yareeynta khataraha musiibooyinka ee ka socday magaalada Geneva kulamo muhiim ah la yeeshay Wufuud kala duwan oo kala matalayay hay’adaha

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa intii uu Socday shir-weynaha heerka caalami ah ee yareeynta khataraha musiibooyinka ee ka socday magaalada Geneva kulamo muhiim ah la yeeshay Wufuud kala duwan oo kala matalayay hay’adaha

June 9, 2025

Drr | News

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdigiisa heerka sare ah oo ay qeyb ka ahaayeen madaxda Soomaaliya ku matalaysa shir-weynaha heerka caalami ah ee yareeynta khataraha musiibooyinka, kal-fadhigiisii siideedaad ee wadamada Carabta ay ku falanqeeynayeen arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka oo maalmahan ka socday magaalada Geneva, ee wadanka Switzerland, ayaa halkaas kula kulmay wufuud kala duwan oo kala matalayay hay’adaha kala ah;
  • Ku xigeenka Madaxa bankiga aduunka ahna madaxa Xafiiska bangiga u qaabilsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha,
  • Madaxa sanduuqa magdhawga khasaaraha ay musiibooyinku geeystaan (FRLD),
  • Madaxa xarunta caalamiga ee ka hortaga musiibooyinka (Anticipation Hub),
  • Madaxa CADRI, iyo Madaxda UNDP, IOM iyo FAO
  • Madaxa CIMA foundation
  • Madaxda WMO
  • Madaxda UNDRR
Mas’uuliyiinta hay’addahaas iyo wafdiga Soomaaliya waxay kulamadooda gaar-gaarka ah ku falanqeeyeen sidii ay u horumarin lahaayeen xiriirkooda wax wada qabsi iyo sidii ay Soomaaliya gacan uga geeysanlahayd dadaallada heer caalami ee lugu yareeynayo khataraha Musiibooyinka.
Waxay mas’uuliyiintaasi si sareeysa u amaaneen dowrka fir-fircoon oo ay Xukuumadda Soomaaliya hay’adeeda SoDMA ka cayaartay dadaalka uu aduunku ugu jiro kobcinta iyo horumarinta awoodaha dowliga ah ee lugu xaddidayo khataraha Masiibooyinka soo noq-noqda, sidoo kale Gudoomiiyaha hay’adda SoDMA ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama-maarmaanka u tahay in ay Xukuumadda Jamhuuriiyadda Federaalka Soomaaliya dardar-geliso fulinta Istraatiijiyaddeeda qaran ee yareeynta khataraha Musiibooyinka, taas oo u mas’uuliintu balan qaadeen in ay SoDMA gacan ka siin doonaan fulinteeda.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.