Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta booqasho ku timid xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay guddoomiyaha SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo madax ka tirsan hay’adda.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah, waxaana Guddoomiye Sacdiya lala wadaagay warbixin guud oo la xiriirta howlaha iyo waajibaadka Hay’adda, saameynta taban ee ka dhalatay dagaalada lagula jiro khawaarijta ee ka socda dalka, hoos u dhicii ku yimid deeqihii gargaar ee arrimaha Banii’aadannimada looga jawaabi jiray, iyo dadaallada gargaar ee SoDMa ka wado dalka.
Sidoo kale guddoomiye Sacdiya ayaa shir gaar ah la qaadatay shaqaalaha haweenka Hay’adda, iyadoo ku ammaantay doorkooda wanaagsan ee dhanka shaqada hay’adda uga jiraan, waxana ay kula dardaarantay in ay laba jiraan shaqada wanaagsan ee dalka u hayaan.



















0 Comments