
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa Shir Guddoomiyay kulan ka billaha ee loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee Wadankeenna
Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa Shir Guddoomiyay kulan ka billaha ee loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee Wadankeenna

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee Wadankeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.
Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee haysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda,
Labada dhibac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan , iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada bani’aadannimo guud ahaan dalka. SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta Caalamiga ah si loo dhiso nidaam bani’aadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments