JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Warbixin kooban oo ku saabsan booqashada Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ee Degmada Moqokori ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Bogga HoreWararka Warbixin kooban oo ku saabsan booqashada Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ee Degmada Moqokori ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo gudanaya waajibaadka shaqo ee loo igmaday ayaa 24-ka bisha Maajo 2025 booqasho shaqo ku tagay degmada Moqokori. Ujeeddada safarkan ayaa ahayd qiimaynta iyo u kuurgelidda xaaladda bani’aadamnimo iyo midda nololeed ee ka jirta deegaanadaas, waxaana wafdiga qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax)

Iyada oo laga faa’ideysanyo safarka gudoomiyaha ayaa Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda waxay diyaarisay shixnad daawo ah oo lagu qaadayo labo diyaaradood oo Helikopter ah oo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya. Hayeeshee maamulka diyaaradahaas ayaa nagu wargaliyey in xamuulka (capacity) diyaaradaha (Agusta Bell) uu helicopter kasta qaadi karo 2 tan. Hal tan oo ka mid ah wuxuu noqonayaa shidaal (fuel main tank,) halka tanka kale ee soo haray loo qaybiyay daawada iyo rakaabka. Taas waxay yareysay xamuulkii daawada ee la qaadi karay.

Wafdiga guddoomiyaha oo uu xaddidaayo tanka yar oo ay diyaaradaha Helikopterka ah qaadi kareen, waxay deegaanka gaarsiiyeen dawo hal tan (1 ton) ah oo isugu jirtay daawooyinka loo isticmaalo xaaladaha degdegga ah sida: daawooyinka dhiig-joojinta, naf-badbaadinta, xanuun baabi’iyeyaasha, jeermis dilayaasha, ka hortagga caabuqa, dareerayaasha la siiyo bukaanka xaaladaha degdegga   ah   iyo   dawooyinka   hooyada   iyo   dhallaanka. Shaxda hoose waxay muujinaysaa faahfaahinta dawooyinka ay SoDMA gaarsiisay degmada Moqokori, waxaana xusid mudan in wax ka baxsan dawooyinka  hoos  ku  xusan  aysan  ahayn  kuwa  lala  xiriirin  karo  hay’adda.

Tr. Magaca Dawada Tirada (kartoon)
1. Dexamethasone, 4mg phosph./ml, (eq 3.3mg base) 1ml, amp. 20
2. Iodine povidone, 10%, solution, 1l, btl. 5
3. Gentamicin 0.3%, eye drops, 10ml, btl 10
4. Calamine 15%, lotion, 500ml, btl. 10
5. Lidocaine, 2%, sterile gel (for urethral use), 11ml, syring 10
6. Dextrose, 5%, 1l 3
7. Metronidazole, 5mg/ml, 100ml, infusion 3
8. Ringer lactate, 1l 2
9. Butylhyoscine (butylscopolamine), 20mg/ml, 1ml, amp. 1
10. Diclofenac sodium, 75mg in 2ml or 3ml, amp 4
11. Ranitidine 6
12. Vitamin K3 inj 6
13. Cefriaxione 1g inj 2
14. Ringer lactated 500Ml 3
15. Ns 500ml 5
16. Roll guaze 1.5 2
17. Ors solution 5
18. Zink Sulfate tablet 5
19. Amoxicillin 500mg cap 10
20. Meternidazole 200mg tab 10
21. Multivitamin 200ml syrup 3
22. Ibubrofen 200mg tablets 1
23. Ibubrofen 400mg tablets 1
24. Pracetamol syrup 2
25. Meternidazole syrup 2
26. Al zental 200Mg Tablets 1
27. Al bandazole 400mg 1
28. Amoxicillin 125 mg syrup 2

NATIIJADA QIIMAYNTA XAALADDA DEEGAANKA:

  1. BIYO LA’AAN BA’AN:
    Dhismaha xarunta caafimaad ee Moqokori ayaa istaagay sababo la xiriira dhaqaale la’aan. Xaruntu waxay u baahan tahay dhameystir si loogu adeego
    baahiyaha caafimaad ee bulshada
  2. DHISMAHA XARUNTA CAAFIMAADKA OO ISTAAGAY

Dhismaha xarunta caafimaad ee Moqokori ayaa istaagay sababo la xiriira dhaqaale la’aan. Xaruntu waxay u baahan tahay dhameystir si loogu adeego baahiyaha                                caafimaad  ee bulshada.

GUNAANAD:
Booqashadan ayaa muujisay sida ay muhiim u tahay in si degdeg ah loo helo taageero bini’aadannimo oo isugu jirta biyo, caafimaad, iyo adeegyo aasaasi ah.
Hay’adda SoDMA waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xaqiijinayo in shacabka ku sugan meelaha ay saameeyeen masiibooyinka ay helaan kaalmo degdeg ah iyo
xal waara oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaas.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA)

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.