Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo gudanaya waajibaadka shaqo ee loo igmaday ayaa 24-ka bisha Maajo 2025 booqasho shaqo ku tagay degmada Moqokori. Ujeeddada safarkan ayaa ahayd qiimaynta iyo u kuurgelidda xaaladda bani’aadamnimo iyo midda nololeed ee ka jirta deegaanadaas, waxaana wafdiga qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax)
Iyada oo laga faa’ideysanyo safarka gudoomiyaha ayaa Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda waxay diyaarisay shixnad daawo ah oo lagu qaadayo labo diyaaradood oo Helikopter ah oo ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya. Hayeeshee maamulka diyaaradahaas ayaa nagu wargaliyey in xamuulka (capacity) diyaaradaha (Agusta Bell) uu helicopter kasta qaadi karo 2 tan. Hal tan oo ka mid ah wuxuu noqonayaa shidaal (fuel main tank,) halka tanka kale ee soo haray loo qaybiyay daawada iyo rakaabka. Taas waxay yareysay xamuulkii daawada ee la qaadi karay.
Wafdiga guddoomiyaha oo uu xaddidaayo tanka yar oo ay diyaaradaha Helikopterka ah qaadi kareen, waxay deegaanka gaarsiiyeen dawo hal tan (1 ton) ah oo isugu jirtay daawooyinka loo isticmaalo xaaladaha degdegga ah sida: daawooyinka dhiig-joojinta, naf-badbaadinta, xanuun baabi’iyeyaasha, jeermis dilayaasha, ka hortagga caabuqa, dareerayaasha la siiyo bukaanka xaaladaha degdegga ah iyo dawooyinka hooyada iyo dhallaanka. Shaxda hoose waxay muujinaysaa faahfaahinta dawooyinka ay SoDMA gaarsiisay degmada Moqokori, waxaana xusid mudan in wax ka baxsan dawooyinka hoos ku xusan aysan ahayn kuwa lala xiriirin karo hay’adda.
| Tr. | Magaca Dawada | Tirada (kartoon) |
| 1. | Dexamethasone, 4mg phosph./ml, (eq 3.3mg base) 1ml, amp. | 20 |
| 2. | Iodine povidone, 10%, solution, 1l, btl. | 5 |
| 3. | Gentamicin 0.3%, eye drops, 10ml, btl | 10 |
| 4. | Calamine 15%, lotion, 500ml, btl. | 10 |
| 5. | Lidocaine, 2%, sterile gel (for urethral use), 11ml, syring | 10 |
| 6. | Dextrose, 5%, 1l | 3 |
| 7. | Metronidazole, 5mg/ml, 100ml, infusion | 3 |
| 8. | Ringer lactate, 1l | 2 |
| 9. | Butylhyoscine (butylscopolamine), 20mg/ml, 1ml, amp. | 1 |
| 10. | Diclofenac sodium, 75mg in 2ml or 3ml, amp | 4 |
| 11. | Ranitidine | 6 |
| 12. | Vitamin K3 inj | 6 |
| 13. | Cefriaxione 1g inj | 2 |
| 14. | Ringer lactated 500Ml | 3 |
| 15. | Ns 500ml | 5 |
| 16. | Roll guaze 1.5 | 2 |
| 17. | Ors solution | 5 |
| 18. | Zink Sulfate tablet | 5 |
| 19. | Amoxicillin 500mg cap | 10 |
| 20. | Meternidazole 200mg tab | 10 |
| 21. | Multivitamin 200ml syrup | 3 |
| 22. | Ibubrofen 200mg tablets | 1 |
| 23. | Ibubrofen 400mg tablets | 1 |
| 24. | Pracetamol syrup | 2 |
| 25. | Meternidazole syrup | 2 |
| 26. | Al zental 200Mg Tablets | 1 |
| 27. | Al bandazole 400mg | 1 |
| 28. | Amoxicillin 125 mg syrup | 2 |
NATIIJADA QIIMAYNTA XAALADDA DEEGAANKA:
- BIYO LA’AAN BA’AN:
Dhismaha xarunta caafimaad ee Moqokori ayaa istaagay sababo la xiriira dhaqaale la’aan. Xaruntu waxay u baahan tahay dhameystir si loogu adeego
baahiyaha caafimaad ee bulshada - DHISMAHA XARUNTA CAAFIMAADKA OO ISTAAGAY
Dhismaha xarunta caafimaad ee Moqokori ayaa istaagay sababo la xiriira dhaqaale la’aan. Xaruntu waxay u baahan tahay dhameystir si loogu adeego baahiyaha caafimaad ee bulshada.
GUNAANAD:
Booqashadan ayaa muujisay sida ay muhiim u tahay in si degdeg ah loo helo taageero bini’aadannimo oo isugu jirta biyo, caafimaad, iyo adeegyo aasaasi ah.
Hay’adda SoDMA waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xaqiijinayo in shacabka ku sugan meelaha ay saameeyeen masiibooyinka ay helaan kaalmo degdeg ah iyo
xal waara oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaas.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA)











0 Comments