JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda SoDMA ayaa ka qeyb galay shir lagu qiimeynayay mashruuca sii dhammaanaya ee xoojinta awoodaha dowladda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed

Bogga HoreWararka Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda SoDMA ayaa ka qeyb galay shir lagu qiimeynayay mashruuca sii dhammaanaya ee xoojinta awoodaha dowladda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed

May 12, 2025

Drr | News

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa ka qeyb galay shir lagu qiimeynayay mashruuca sii dhammaanaya ee xoojinta awoodaha dowladda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee dhanka digniinta hore iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada.

Mashruucan oo ay iska kaashadeen SoDMA, wasaaradaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad-goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Xafiiska SCRP ee Wasaaradda Maaliyadda, iyo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), ayaa waxaa maalgeliyay Bangiga Adduunka (World Bank). Mashruucan ayaa si guul leh uga hirgalay heerarka kala duwan ee dowladda.

Shirka oo socday muddo laba maalmood, ayaa lagu falanqeeyay dhammaan qorshayaashii la dejiyay, heerka ay marayaan, iyo casharrada laga bartay intii mashruuca lagu guda jiray. Waxaa sidoo kale kulanka lagu dejiyay istiraatiijiyad cusub oo looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo dadaallada Soomaaliya uga hortagayso musiibooyinka iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Natiijooyinka Muhiimka ah:

  • Waxaa la buuxiyay farqiyadii muhiimka ahaa ee ku jiray maaraynta halista musiibooyinka
  • Waxaa la xoojiyay isku-xirka nidaamyada digniinta hore ee heer federaal iyo dowlad-goboleed
  • Waxaa la awoodsiiyay bulshada iyo hay’adaha si ay uga hortagaan una adkeystaan saameynta isbeddelka cimilada

Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa u mahadceliyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee si buuxda uga qayb qaatay guusha mashruuca. Wuxuu xusay in guushan aysan ahayn dhammaad, balse ay tahay bilow muhiim ah, kaas oo dhidib u taagaya mashaariicda horumarineed ee mustaqbalka lagu xoojin doono la tacaalida musiibooyinka iyo wax ka qabashada saameynta cimilada.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.