
Maareeyaha Xarunta NEOC ee Hay’adda SoDMA yaa Daahfuray tababar muhiim ah oo socon doona mudda shan cisha ah
Bogga HoreWararka Maareeyaha Xarunta NEOC ee Hay’adda SoDMA yaa Daahfuray tababar muhiim ah oo socon doona mudda shan cisha ah

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Xasan Cabdulqaadir Ciise, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababar muhiim ah oo ka socon doona mudda shan cisha ah, kaas oo diiradda saaraya yaraynta khataraha musiibooyinka (DRR), la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka Soomaaliyeed.
Tababarkan oo ay si weyn u taageerayso hay’adda caalamiga ah ee PLAN International, waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya oo soona qabanqaabiyay Xarunta Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo tababarada ee SoDMA, iyadoo la doonayo in lagu xoojiyo kartida shaqaalaha hay’adda si ay uga jawaabi karaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada iyo khataraha kale ee dabiiciga ah.
Inta lagu jiro tababarka, shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee SoDMA waxay heli doonaan aqoon iyo xirfado la xiriira:
⦿ Sida loo yareeyo khataraha musiibooyinka (DRR),
⦿ Hababka wax-ku-oolka ah ee wax looga qabto xaaladaha degdegga ah.
⦿ Dhisidda bulshooyin leh adkeysi nololeed iyo deegaan adag.
⦿ Istiraatijiyado la xiriira la qabsiga isbeddelka cimilada.
Maareeye Xasan Cabdiqaadir Ciise ayaa tilmaamay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha istiraatijiyadeed ee SoDMA ee lagu dhisayo nidaam qaran oo leh awoodo ka hortag, ka jawaabid, iyo ka bogsasho, si loo xaqiijiyo badbaadada, horumarka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments