JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐅𝐀𝐎 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐅𝐀𝐎 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫-𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Rein Paulsen, Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, iyo wakiillo ka socday Dowladda Norway, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u-diyaargarowga El Niño, digniinaha hore iyo tallaabooyinka degdegga ah ee looga hortagayo saameynta musiibooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay sidii digniinaha hore loogu xiriirin lahaa tallaabooyin degdeg ah oo isku-duuban, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hab-nololeedka bulshada, loona yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira El Niño.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay abaabulka dhaqaale iyo taageero dheeraad ah oo wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadantinimo ee taagan, iyadoo la xoojinayo maalgelinta muddada fog ee u-diyaargarowga musiibooyinka, yareynta khataraha iyo dhismaha adkeysiga bulshada.

Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay hoggaaminta dowladda ee maareynta khataraha musiibooyinka, xoojinta isku-duwidda iyo horumarinta iskaashiga ay la leeyahay hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale, si loo xaqiijiyo gurmad waqtigiisa ku habboon iyo awood dowladeed oo wax ku ool ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.